Shirka Muqdisho: Maxay yihiin qodobada la isku hayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinkii seddaxaad uu Muqdisho shir uga socdaa Madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiye Cumar Filish, waxaana jira qodobo la isku hayo oo miiska saran, kuwaas oo wararku ay sheegayaan in la isku mari la’yahay.

Agaasimaha Machadka cilmi barista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Xaashi oo u waramay BBC ayaa soo bandhigay qodobo haatan miiska u saaran madaxda oo ay tahay in xal loo helo.

“Tan ugu daran, uguna muhiimsan waxay ka taagantahay, yaa maamulaya doorashada? Waxay u baahantahay dad lagu wada kalsoonyahay, oo dowladda dhexe ku kalsoontahay, maamul goboleedyadu ku kalsoonyihiin, xisbiyada kale ku kalsoonyihiin oo loo qaateen ah,” ayuu yiri Agaasimaha Heritage.

Waxa uu sheegay inay jiraan laba su’aalood oo ku xeeran qodobkaas, kuwaas oo kala ah, maamul goboleed kasta waxa uu leeyahay guddi doorasho, “marka guddiga doorashada ee u dhisan maamul kasta miyaa loo xil-saarayaa doorashada deegaanada ka dhaceysa? Mise guddiga madax-banaan ee doorashooyinka oo u soo tababartay doorasho qof iyo cod ah oo hadana waqtigiisu dhamaadka yahay?

Waxa uu sheegay in ka Heritage ahaan ay qabaan in guddi isku dhafan, bulshada rayidka ah lagu soo daray oo loo qaateen ah, isla markaana si 100% ah loogu wada qanacsanyahay shaqadan loo diri karo, iyadoo laga faa’iideysanayo hadii ay wax un khibrad ah hayaan guddiyada hadda jira.

Sidoo kale Agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Xaashi waxa uu sheegay in waqtiga haray aan doorasho lagu qaban karin, balse taasi aysan wax weyn aheyn, maadaama sharciyada dalkaba aan lagu dhaqmin 50%, isagoo tusaale u soo qaatay hanaankii loo maray xil ka xayuubintii xukuumaddii Kheyre.

“Ra’iisul wasaarihiibaa hadda iyadoon sharci loo marin shaqada laga ceyriyey, guddoomiye Jawaari-baa laga ceyriyay, maamul goboleedyada qaar ayaa doorashooyinkii dhacay ku shubtay, marka Soomaaliya sharci lagama raacdo ee siyaasadbaa badanaa lagu socdaa, hadii marka siyaasad ahaan loo heshiiyo oo la yiraahdo war doorashada ugu macquulsan, ugu dhibka yar uguna xalaalsan aan qabsano oo seddax bilood oo kale dowladan ay ku darsato waa loogu dari karaa, oo haddaba ra’iisul wasaare ma jiro oo mid ku meel gaar ah ayaa shaqadii iska sii wada,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi Agaasimaha Heritage.

Hoos ka dhageyso