Golaha guurtida Somaliland oo ansixiyey xeer xasaasi ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha guurtida Somaliland ayaa kulan ay yeesheen ku meel-mariyey xeerka la-dagaalanka Maandooriyaha, midkaasi oo ay hore u ansixiyeen golaha wakiiladu.

Xeerka la-dagaalanka Maandooriyaha oo goluhu wax ka badal  ku sameeyay ayaa dhigaya arrin culus oo horseedi karta jahwareer cusub, maadama uu dhigayo in dowladdu ay la wareegi karto guri kasta oo maxkamadd ku cadeyso in lagu iibiyo maandooriye.

Waxa uu xeerkaasi dhigaya ‘in gaadiidka Somaliland soo galiya maandooriye nooc kasta oo uu yahay mid dhul, cir ama bad, ee ay maxkamadd horteed kaga cadaato, marka koowaad lagu ciqaabayo ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka, marka labaad waa lala wareegayaa gaadiidkaa’.

Sidoo kale waxa uu xeerkaasi dhigaya in gaadiidka deeganada gudihiisa lagu qabto ee ay maxkamad horteed kaga cadaatay waxa lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan, marka labaad boqolkiiba konton marka saddexaadna waa lala wareegayaa.

Arrinta la wareegida guryaha ayaa falanqeeyayaashu ku macneeyen inay gabaad u noqon karto gabood falo aan la mahdin, kuwaasi oo dhabaha u jeexi kara dhul boob hor leh oo muddooyinkii dambe lagu eedeynayay xukuumada Muuse Biixi.

Maxkamadaha Somaliland ayaa inta badan iyaguna lagu eedeya inaysan u madax banaaneyn xukunadeeda, midaasi oo meesha ka saari karta sugnaanta go’aamada kasoo baxaya, oo walaac badan ka muujiyeen garyaqaanada dalku.