Maxay Soomaalidu mar walba u danaysaa isbeddelka maamulka madaxtooyada?

By SULDAAN NAYRUUS

Ninba maalintiisuu, Maandeeq gujaystaa.” Abwaan Feerfeer.

Saaxiib, horta qoraalkan ka hor, weligaa ma isweydiisay sababta ay Soomaalidu kol kasta u jeceshahay in uu isbeddalo Xukanka Madaxtooyada? Haddii aad joogto Muqdisho, ama Hargeysa, ama Garoowe ama Dawlad-gobaleedyada kale, abidkaa ma ka fekertay sababta Soomaalida meelahaas kala joogta ay kulli isku calool u yihiin oo uur iyo afba uga wada diidaan in uusan ku soo laaban qofka markaa saaran Kursiga Madaxtooyadaas? Anigu waan iska wareystay, waana helay sababta e, bal xoogaa ila soco.

Dhallinyaro badan oo aan isku barannay Xamar, ayaa markii la soo doortay Cabdiqaasin Salaad, waxa aan arkay nimankii oo wada yaacay; qaar dhoofay iyo kuwo deeqo waxbarasho ee dibedda ah aaday. Waan la yaabbanaa meesha ay ka helayeen ishan deg-degga ah ee aan la isla ogayn, mar dambse ayaa la ii sheegay in ay ka heleen Madaxtooyadii Cabdiqaasin ilo-xigaalo oo arrimahaas u fududeynayey. Dhallintu, waagaas waxa ay u qeybsanayd dhoof doon iyo waxbarasho doon. Intii dhoof u xiisa qabtay, wafuudda ayaa la raacinayey, intii waxbarasho doon ahaydna, deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya oo idil loogu talagalay baa si gaar ah loo siinayey. Waagaas indhuhu iima fiiqnayne, mindhaa ciddii wax kale doon ahayd oo halkaas loo joogana, waa helaysay.

Waagii uu Cabdullaahi Yuusuf (AUN) noqday Madaxweynaha Feederaalka, ayaa nin aan is naqaannay inta maalin ii yimid, waxa uu igu yiri: Saaxiib, safar degdeg ah ayaan Soomaaliya u gelayaaye, waxa aan doonayaa in aan ku macasalaameeyo. Sababta safarkiisa ayaan weydiiyey. Waxa uu ii sheegay in uu u socdo dawladda uu hoggaamiyo Cabdullaahi Yuusuf. Waxa uu iiga warramay in uu adeerki ka mid ahaan jiray Jabhaddii SSDF, uuna dhintay xilli uu Jihaad ku jiray. Waxa uu iiga sheekeeyey, in, haddii uu u tago Cabdullaahi Yuusuf uu jago uga heli karo magaca Muhaajidkaas. Maalintaas aannu ismacasalaamaynaynay, waxa aan u haystay nin riyoonaya oo, xataa waxa aan kula taliyey in uusan safarkaasi ku fududaan, laakiin, nin wax og buu ahaa, oo waa iga saxsaanaa oo, arrintii waa u shaqeysay, waxaana horay looga magacaabay QUNSUL. Marka aan arkay arrintaas, tii Cabdiqaasim baa igu soo dhacday oo, waxa aan goostay in aan si dhab ah ugu fiirsado waxa ka socda Madaxtooyadaas iyo in aan si saxa u darso dadka ka soo horjeeday Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa iiga soo baxday u-kuurgalkaas, in Madaxtooyadaas sida shimbirihii u dul heehaabayaan Mujaahidiinta SSDF, inta nool iyo carruurta ama ehalada intii dhimatay iyo dad kale oo wada fursad goob ah oo Buutlaan uga soo hayaamay. Dhamman shaqooyin, jagooyin iyo qansadaarso wada raadis bay ahaayeen. Qofkii doonaya in uu Madaxweynaha la kulmo, waxaa khasab ahayd in uu maro raggiisa, saa si kale kuma arki karo e. Waayadaas, magacyo ayaa la baxshay. Soomaali badan oo arkaysay fursadahaas la iska daldalanayo oo aan la isweydiinayn: yaa naga maqan, ayaa meel walba ka qeylinaysay, ilaa qaarkood Muqaawamadii ku uur noqdeen.

Kolka Sheekh Shariif loo doortay Madaxweyne, dadkii uu ugu yiimid Madaxtooyada ee Cabdullaahi ka haray, waa uu kala eryey, waxaa uuna qortay shaqaale cusub oo uu ku soo xulay reer ahaan iyo urur ahaan. Meel kasta oo nacfi lahayd oo qof Cabdullaahi uu  ku naasnuujinayey, Sheekh Shariif dadkiisii buu ku beddeshay. Dhammaan qandaraasyadii raggiisii buu ku soo wareejiyey. Dal iyo dibedba, jagooyinkii, Mujaahidiin wada koofiyado qaba ayaa la wada wareegay. Raggiisa mooyee, Soomaali intii kale kama kabbanayn. Inta ladnaadeen ayey xaasaaskii badsadeen oo Sunnadii ku camalfaleen. Waayadaas waxaa baxay magac kale. Aalasheekh haddii aadan ahayn, ama aadan ku tiirsanayn, ama ehelo hoose ahayn, bannaanka in aad joogtaad ku khasbanayd. Ummaddii hal mar bay afka ku qabatay, waxaana bilowday mucaarad xoog badan. Waa tii sidii la isku waday Xukunkii laga tuuray.

Xasan Sheekh Maxamuud, mugga uu la wareegay Madaxtooyadii, xaaqin buu mariyey Xigaalo iyo Aalasheekh ba. Ehalo iyo raggiisii oo baannaanka muddooyin ku hornaa oo oommaan baa darkii soo galay. Nin walba meesha uu soo arkoodo ayaa looga cayrinayey ciddii horay u joogtay. Waa tii ay muddo yar gudaheed dubdhacsadeen oo calool kuusan wada yeesheen. Waa tii Soomaali, iyaga mooyee, hal mar la wada dhawaaqay. Waa tii ilaa masaakiintii habaar la wada istaagtay markii la arkay xaalufka dhan walba ah ee ay wadeen xulafadaasi. Waayadaas Damuljadiid magac la yiraahdo ayaa afka lagu wada qabtay. Xataa waxaa la gaaray, haddii aad iska yeelyeesho Dammuljadiid, dukaammadu in ay deynta kuu oggolaadaan. Waa la isugu tagay oo, waa tii haraati-geelle lagu reebay. Sida loo nacay falka nimankaas, waxaa aad looga baqayey, haddii uu Xasan Sheekh mar labaad doorashadaas heli lahaa, in dalka lagu kala tago!

Maantii uu Farmaajo xukunka la wareegay, qof walba waa la socdaa in uu sameeyey sidii caadada ahayd oo raggii Xasan Sheekh meel walba furahii laga la wareegay. Gabdho yuuyuuban oo dhar ku dheggan wada qaba iyo wiilal intooda badan dhaladu xiran tahay oo Laabtoobyada kolkolaha ku sita oo magacyo kala duwan ku kala socda ayaa meel walba la wareegay. Dal iyo dibedba wada qabsade. Dadkii Damuljadiidka ku faani jiray in aysan sheegan oo ay caayaan bay noqotay si ay lufluf u helaan. Xulafada Farmaajo wax bay ay uga duwan yihiin kuwii hore. Xulafadii Cabdullaahi Yuusuf haddii la raadiyo, waxaa laga yaabaa in laga helo Majlis, xulafooyinkii Shariif iyo Xasanna, waxaa la arkaa in aad ka hesho Masjid maalin jimce ah, laakiin kuwa Farmaajo, qof yaqaanna oo tagi kara Baararka Xalane moyee, qof kale ma heli karo. Qaarkood, sida la sheegayo waaba ka awood badan yihiin Wasiirrada. Magaca ay la bexeen caksigiisa: NABAR IYO NAXDIN, baa lagu suntay. Waxaa magacaas bixiyey dad barwaaqo ku bataashayey oo ay hal mar, iyaga oo aan ka warqabin, ka afqabteen oo ay ku noqdeen lamafilaan, nabar iyo naxdin isla socota. Ilaa iyo imminkana, kuwii la kediyey oo looga naxsaday baa dadka afka u geliya magacaas. Hadda waxa ay ugu jirtaa oo naaxay xerta Farmajo iyo dadka siyaalo kala duwan ugu xiran. NABAD IYO NOLOL baan ka mid ahay, wax kale iska daaye, hadda, gabar iska socota waad ku mehersan kartaa. Laakiin, waxaa bannaana tuban dad isugu jira kuwa boggau caddaaday oo aan weligood farta malabka gelin iyo kuwa horey darka u soo galay oo wada malafsanaya.

Tusaalahan, waxaa la mid ah oo aan ka kaaftoomay, Madaxweyneyaasha Dawlad-gobaleedyada oo iyagana sidaas oo kale, ay tahay ninba maalintiisa iyo raggiisa. Maxaa Axmed-Madoobe dabada loogu dheggan yahay? Maxaad u malaynaysaa akhriste? Bal xoogaa ka sii sheekayso Mujaahidiinta Raaskambooni iyo Muhaajiriinta Soomaali-Galbeed ee Kismaayo sidii Ayaxii ugu degay.

Arrinta yaabka leh aya waxaa ay tahay, maalinta Madaxweyne xilka ka dego oo raggiisii, meel kasta oo ay joogaan, fureyaasha laga la wareego, waxaa la arkaa in uu dhaco guur badan iyo furriin badan. Waxaa isla markiiba gabdha Islaameed ku qamaama nimanka Madaxtooyooyinka ku xiran, qaarkoodna gabdhaha ku fasahaadiya lacagta bilaashka ah. Nimanka furayaasha laga la wareegana, waa iska furaan gabdhihii, qaarkood laga yaabo in ay u qarsoonaayeen, dhaqaalihii ay bareen oo ay xammili waayaan darteed. Haddii ay sheeko-sheeko ku ekeydna, waa lagu dhageystaa.

Madaxtooyooyinka Soomaaliya looga kala arrimiyo, waxa ay noqdeen isha ugu muhiimsan ee magac iyo maal degdeg ah laga sameeyo. Waa meel ay Soomaali oo dhan isha ku wada hayso oo, qof walba ku taamo in uu mar gaaro ama qof kale gaarsiiyo si uu markiisa uga waraabo, dadkiisa iyo saaxiibbadina gacanta ula geliyaan. Waa meherad musuq oo kooxba maalinteeda ay shidato. Ma jiro madaxweyne halkaas soo maray oo isaga iyo kooxdiisu daahir yihiin. Koox kasta, markeeda, khayraadkaas bay isku koobtaa oo, xataa ugu yaraan fursadaha ma qeybiyaan. Waxba kama dhibcaanba! Ma ahan musuqu hanti la dhiitiyo oo keli ah, xataa waxaa ku jirta fursad-ugu-kala-eexashada ummadda xilkaas ku aammintay, taas oo noqotay arrin ay Madax ciilal hore qabtay kala dhaxlaan. Inta ay maalintaas ugu jirto moyee, inta kale waxa ay sugataa inta uu muddo-xileedkaas dhammaanayo. Kama wada duwana Axmed Dhooyihii busaaradaysnaa oo xoolaha u ciishaysnaa ee walaalkii kula dardaarmayey in uu dulqaato oo maalintooda ay sugtaan. Waa tii ay ka mid ahayd miraha gabaygiisii: SABIR YEELO HAYBOOW MAANTAAN HELNAAN KA HIRQAN DOONNAAYE.

Sababta ugu weyn ee ay Soomaalidu u diiddo in Madaxweyne jooga uu soo laabto, ayaa waxa ay tahay, maaddaama uusan jirin Madaxweyne in uu gacan-gode mooyee, aan dhaafi karin dadkiisa iyo xertiisa, in aysan isaga, dadkiisa iyo xertiisuba noqon dabaqad baroosinno aasata oo ku sii dul naaxda, fakata oo aan la soo qaban karin oo sida tan Hindida, sharciga ka saramarta oo dadka hoos u soo eegta iyo in beel gaar ah aysan beelaha kale xukunka ku dhaafin. Sideedaba, Soomaalidu ma oggola in waxa ka dhexeeya dad gaar ah ku naaxaan ama ku saramaraan, laakiin waxa ay oggoshahay in uu ku cirkaas ku tago wax qofi gaar u lee yahay. Waxa aad mooddaa in ay Soomaalidu ku taagan tahay dhabbihii sheekadii caanka Mudug ka ahayd: Reer Muduggii caanaha biraha ku jiray ee ka dhexeeyey ee isku qabsaday, waa tii markii jiq la isku noqday ay ku heshiiyeen in ay ku tookaystaan cantuugo cabbiran. Waa tii gacanqaadkiina joogsaday, nin walbana helay cantoogo uu cidihiisii ku gaaray.

Sababta uu Maxamed Siyaad (AUN) u joogay muddo dheer xilka, waxaa lagu sababeeyaa, in qeyb ka mid muddadiisii fursadaha loo waa sinnaa. Qeybtaas lama wada danaynayn kursigiisa, laakiin, marka ay bilaabay nin-jeclaysi, waa tii Madaxtooyada la wada arkay oo, aakhir loogu daatay.

Diidmo ay Soomaalidu kaga go`an tahay in uusan ku soo laabadan Madaxweyne jago haya oo isaga iyo dadka uu farqaha ku wato mar labaad u cunaqatayn, waxaa xataa gebagebada maamulkaas dhacda khalkhal-ammaan oo ka dhigan: fadlan, na dhaaf oo ha nagu soo laaban haddii aadan waddanka la rabin fawdo. Waa ka tag waxa naga dhexeeya ee aad adiga iyo raggaagu ladaabanaysaan, intaas ha ku filnaato e. Waa marka ay madaxa la soo baxdo cid kasta oo arrimaha Soomaaliyda si xun u faragelisa. Waa jeerka ay soo noolaato cid kasta oo dawlad-diid ah, ayna helaan dad niyadjabsan oo caraysan oo taageera.

Haatan, laga soo bilaabo 2017 kii ilaa iyo inta ka dhimman muddo-xileedka Farmaajo, dadkii dibadda dhoobnaa oo wada qatanaa oo noocwalbaalaha ahaa oo hortooda lagu qaybsanayey shaqoyinka, qandaraasyada, jagooyinka, khayraadka iyo fursadihii dalka oo dhan, ayaa meel kasta qaylo ka wada. Waxa ay u qeylo-dhaaminayaan, waa in ay fulaan Farmaajo iyo raggiisu. Ku-soo-laabasho iska dhaafe, waxa ay la dhawaaqayaan in aan waxyarna lagu darsan. Waxa ay dadka ka maraysaa meeshii ay Xasan Sheekh markiisii ka marayeen. Sidii looga baqayey, haddii uu soo laabto khalkhal-ammaan, dagaallo, xoogeysiga dawlad-diidka iyo kala dhaqaaqa ummadda, ayaa looga baqayaa haddii Farmaajo dheeraysto ama uu soo laabto.

Hadda, dadku, dhammaantood ma jecla in uu soo laabto Farmaajo iyo Dhalaxiirtiisu, Xasan Sheekh iyo Damuljadiidkiisu iyo Sheekh Shariif iyo Aalasheekhiisu. Saddexdaba, uurka bay inkaarayaan. Allow kanna na dhaafi, kuwaasina ha nagu soo celin bay salaadaha ka dib ku ducaystaan. Waa dad ay soo wada arkeen oo horey iyo haddaba dalkii gowska saartay, ilaa iyo imminkana la wada maqlayo bashuuqsigooda. Waxa ay dadku raadinayaan Madaxweyne cusub, Ra`isulwasaare Cusub, Wasiirro cusub, Xoghayeyaal cusub, Agaasimeyaal cusub, Safiirro iyo Diblomaasiyiin cusub, si haddii aysan Soomaaliyi Musuqmaasuq deynayn, ummaddu fursadda u soo wada marto, qolobana markeeda u soo wareegto Shaqada, Qandaraasyada, Jagooyinka, Dawladeynta, Buletburuufyada, Hoteello-beriyada, Wafiga iyo Dalxiiska, Badinta Guurka Sunnada ah, Faanka iyo Bootada.

SULDAAN NAYRUUS – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: nayruus@gmail.com Page: facebook.com/snayruus  

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid