Xog: Yaa gadaal ka riixaya ansixinta sharciga galmada ee ka hor-imanaya diinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa Talaadadii markale golaha shacabka la horgeeyay xeerka dambiyada galmada oo abuuray guux iyo sawaxan badan, maadama ay ku jiraan qodobo si cad uga hor imanaya Diinta Islaamka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed.

Sharcigaasi ayaa qoddobkiisa 4-aad, wuxuu dhigaya in aysan dambi ka waajibeyn ‘Sinada’ oo haddii labada ruux ay raali ka yihiin, isagoona ogolanaaya isku taga dadka isku jinsiga ah, midaasi oo Diintu naga reebtay.

Xoga muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in isku dayga meel-marinta xeerkaasi ay gadaal ka riixayaan Hay’addo uu fadhigoodu yahay xerada Xalane, kuwaasi oo dhaqaale badan ku bixinaya in la ansixiyo xeerkaasi aan marnaba Diinteena waafaqsaneyn.

Hay’addahaasi gadaal ka riixaya xeerkaasi ayaa waxa ugu tun weyn mida Xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobey ee lagu magacaabo UNSOM iyo kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha haweenka oo fadhigoodu yahay Xalane.

Waxa la fahamsan yahay in dhaqaale badan lagu taagarey wasaaradda haweenka sidii loo soo diyaarin lahaa sharcigan, iyada oo muddo badan kadib laga soo ansixiyey golaha wasiirada xukuumadii Kheyre.

Bishii May, 2018 ayey si buuxda u ansixisay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre sharciga dambiydaa galmada, iyaga oo cadaadis xoogan kala kulmay wasiirada wasaarada Haweenka Soomaaliya.

Intaas wixii ka dambeeyay waxa xooga la saaray sidii golaha loo horgeyn lahaa sharcigaasi si ay u meel-mariyaan, xili uu muddo ka meer-meerayay guddoonka goluhu aqrinta sharcigaasi.

Ugu dambeyntii maalin-nimadii Talaadadii ayuu golaha ka hor aqriyay guddoomiye Mursal oo ay wajigiisa ka muuqato caro badan oo ku aadan sida uu uga xun yahay sharcigaasi, oo ay ku jiraan qoddobo ka hor imanaya Diinta islaamka.

Guddoonka golaha ayaa u muuqda mid gebi ahaanba laalaya meel-marinta sharcigaasi oo si weyn looga yax-yaxay, isla markaana dib ugu celiyay wasaaraddii markii hore soo diyaarisay sharcigaasi.