Mareykanka iyo Soomaaliya oo maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo Soomaaliya looga cafinayo deymaha uu ku leeyahay Mareykanka.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Donald Yamamoto iyo sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyleh ayaa kala saxiixday heshiiska lagu yareynayo islamarkaana dib loogu qaabeynayo deyenta ay hay’adaha dowladda Mareykanka ku leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska uu ku suurta-galay ayada oo Soomaaliya ay sanadihii dhowaa sameysay isbeddelo dhaqaale oo muhiim ah, islamarkaana bishii March ee 2020 ay gaartay marxaladda go’aan ka gaarista deyn caafinta ee loo yaqaan Decision Point ee Banka Adduunka.

“Marka Soomaaliya ay gaarto marxaladda dhammaadka ee deyn cafinta (Completion Point,) Mareykanka waxa uu cafin doonaa deynta uu ku leeyahay oo dhan hal bilyan oo dollar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka.

Safaaradda Mareuykanka ayaa ku amaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay isbedellada maaliyadeed, waxayna sheegtay in deyn cafinta ay u ogolaan doonto inay taageero maaliyadeed ka hesho hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay saaxiib lasii ahaato Soomaaliya, kuna faraxsan tahay inay kaalin weyn ka cayaarto xaqiijinta guulaha dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed.