Sidee loo dhacay 6 milyan oo dollar oo loogu deeqa DF ayada oo aan ka war-hayn?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu helay musuq-maasuqii ugu cuslaa ee xarumaha dowladda, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, sida uu shaaciyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa shaaciyey in lacag ka badan lix milyan lagu lunsaday magaca wasaaradda caafimaadka, taasi oo ka timid deeq bixiyeyaasha caalamka ee sida gaar ah u taageera caafimaadka Soomaaliya

Lacagahaasi ayaa waxay si toos ah ugu dhaceen Akoono wasaarada looga furay bank-yo gaar loo leeyahay, midaasi oo fududeysay ku tagri-falka dhaqaalahaasi badnaa.

Qaladka ugu weyn ayaa ka yimid ayada oo hay’adaha deeqda bixiyey aysan lacagta soo marin qasnadda dowladda dhexe, balse ku shubay akoono ay wasaaradda sameysatay oo aanay cid kale ka war-hayn

Waxaa maamulka lacagahaasi laga hagayey xafiis qarsoodi ah oo ku yaalay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo saraakiil sar-sare oo ka tirsan wasaaradda ay ku kala wadeen wax loogu yeeray ‘shaqooyin been abuur ah’.

Xafiiskaasi ayaa waxa uu Galka Baaristu ku tilmaamay mid qeyb weyn ka qaatay musuqii wasaarada, isla markaana halkaasi lagu sameeyay jeegag iyo fool-jaro lagula baxay lacagtaasi, kuwaasi oo ay ku qornaayeen shirkado been abuur ah iyo kuwa jira oo aysan wax wada shaqeyn ah kala dhaxeyn wasaaradda.

Waxaana qeyb weyn ka qaatay xatooyada lacagahaasi sida lagu sheegay barnaamijka xafiiska degmada Waaberi ee wasaaradda, kaasi oo ahaa mid ka madax-banaan wasaaradda caafimaadka, balse lagu abaabuli jirey falalka musuq-maasuqa ah.

Dhaqaalahaasi oo ahaa 6.1 Milyan oo Doollar ayaa waxa uu ka yimid beesha caalamkam waxaana si gaar ah dowladda Soomaaliya ugu deeqay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah: Hay’adda UNPF, UNICEF iyo Hay’adda World Vission.

Lacagta Wasaaradda caafimaadka ka heshay Hay’adahan iyo cadadkeeda waxay kala tahay:

1. United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000
2. Hay’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000
3. Hay’adda World Vision oo bixisay $575,000

Musuqa lacagahan oo la ogaaday inay soo taxnaayeen sanadihii u dambeeyay ayaa waxa loo aaneynaya inay horseeday hubin la’aan dhanka dowladda ah, oo iyadu kal hore ku faantay inay dagaal xoogan la gashay musuqa dalka.

Hoos ka dhageyso barnaamijka