Xog: Salaad Cali Jeelle oo 10 sano kadib xil muhiim ah looga magacaabay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Jabuuti.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay.

“Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

“Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxaana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaaliya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle, waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay.

Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gudbeyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi.

Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taageersanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan.