Maxaa ka jira in Xawaadle loo wado guddoomiyaha BF, si Hawiye loo dhaafiyo xilka madaxweynaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu shaaciyey inuu xog ka helay qorshe doorashada soo socota ee dalka lala damacsanyahay beelaha Hawiye.

Cosoble ayaa sheegay inuu xan ku helay in beesha uu ka dhashay ee Xawaadle la doonayo in loo sharaxo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, qorshahaas oo hadii uu guuleysto meesha ka saareya in Hawiye u tartamo kursiga madaxweynaha dalka.

“Waxaa meelaha la wadaa nuxnux ah inuu Xawaadle baarlamaanka soo socda isu sharraxo oo lagu taageeri doono Guddoomiyaha BFS, taasoo looga gol leeyahay in Hawiye laga reebo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cabdullahi Cosoble.

Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Kuwa saa u fikiraya waxaan leeyahay Xawaadle kuma shaqeeyo munaafaqad mana dhaawici doono dhaqan siyaasadeedka ka jira Soomaaliya. Xawaadle wuxuu ka mid yahay beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed lagumana adeegan karo.”

Cali Cosoble oo fariin u diray xubnaha in loo adeegsado fulinta qorshahaas ay macquulka tahay waxa uu yiri, “Xildhibaan doonka Xawaadle ee looga shakiyo iney sidaa ka suurta gashana Xawaadle kursi ma soo siin doonaan. Riwaayadaha iyo riyooyinka raqiiska ah ha la iska ilaawo intaan lagu hungoobin.”