Beesha Hawiye oo farriin culus u dirtay madaxweyne Farmaajo – “Qabiil, qabiil kale dulmi kara ma jiro”

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Hawiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xarigga Taliyihii hore ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik waxay ku macneeyeen mid qabiileysan.

Odayaashii ka soo qeyb galay kulankaas ayaa mid mid ula hadlay warbaahinta, sidoo kale gaba-gabadii kulankaas ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa xarigga sarkaalkaas ku tilmaamay ku takrifal awoodeed iyo mid la siyaasadeeyey.

“Ciidanka waxaa sharci u ah in 48-saac xabsiga lagu haayo, wixii intaas ka dambeeyana qofku haduu dembi leeyahay waxaa loo gudbiyaa maxkamadaha, hadii uusan dembi laheyna sidaas ayuu xornimadiisa ku hantaa, intaba lama yeelin laba bilood ayuu xiranyahay sarkaalkaas, taasina waa ku takrifal, waana arrin la siyaasadeeyey,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beesha ay u tageen madaxweyne Farmaajo in ka badan afar jeer, iyagoo ka dalbanaya in sarkaalka xabsiga laga sii daayo, balse taasi ma aysan suurta gelin.

“Hadii dowladdu ka maarantay aqoontiisii iyo kartidiisa qabiil ahaan ha lagu sii daayo, qabiil, qabiil kale dulmi kara ma jiree,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii kulankaas ka hadlay.

Nabadoon kale ayaa yiri, “Waxaan leenahay madaxweyne Farmaajo saan kuugu dhisnay nooguma hambeyn, waan ku soo dhaweynay, wax kastaan kuu tarnay, arrinteenu maanta codsi maaha, waxaan ku leenahay si sharuud la’aan ah Gaashaanle Ismaaciil ku soo dey, waxuu Soomaali u taray waa la wada ogyahay, balse xarigiisa waxan u aragnaa Xasan Cali Kheyre ayaan sharci darro meesha uga saaree, isna ii joogi mayo.”

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id oo dhameystiran