Xog: Xisbiga talada haya ee Somaliland oo xubno ku yeeshay xukuumada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid noqday xubno ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ee haya talada maamulka Somaliland.

Prof. Maxamed Cismaan Dubbe, oo ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa ee diyaariyey barnaamij siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ku galay doorashada madaxtinimada uu ku guuleystay Muuse Biixi biixi 2017, ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Soomaaliya halka Cabddale Xaaji Cali oo isna xisbigaasi ka tirsanaa loo magacaabay wasaarada qorshaynta.

Arrintaani ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Hargeysa maadaama xisbiga Kulmiye uu dhigiisa Waddani horay ugu eedayn jiray xiriir uu Somaalia la leeyahay xubno ka mid ahna ay ku biireen dowladda Somalia ayaa hadda eedeyntaasi waji kale yeelatay.

Xubnaha cusub ee golaha wasiiradda ugu mid noqday gobollada Waqooyi ayaa meesha ka saartay xubnihii dowladdihii kala duwanaa xilal wasiiro kasoo qaban jiray sida wasiir Maareeye oo seddaxdii dowladood ahaa mas’uul aan dhicin.