Laba qof oo Muqdisho lagu dilay iyo Al-Shabaab oo ku kala eedeysay laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay laba qof oo mid ay ku sheegeen sarkaal ka tirsanaa NISA, kan kalena oday kamid ahaa ergadii doorashada.

Shabaab ayaa shaacisay in dagaalyahano ka tirsan ay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay ku khaarajiyeen Sarkaal ka tirsan Hay’adda nabad-sugida ee NISA.

Sarkaalkaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Maxamed Isxaaq, oo lagu soo waramayo inuu caan ka ahaa degmada ay dableydu ku dileen.

Sidoo kale waxay sheegen in deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dileen Maxamed Aadan Sagaaroow, oo kamid ahaa ergadii soo dhisay maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Caasimada Online ma xaqiijin karto sheegashadan, sidoo kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya oo mararka qaar ka hadla dilalka ay geysato Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka fulisa dilal qorsheysan oo ku bartilmaameedsanayso shaqsiyaad ka tirsan dowladda ama ay u aragto inay muhiim yihiin.