Xog: Maxaa lagu bedeshay sii-daynta C/llaahi Kulmiye?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Xorriyaddiisa helay Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow, oo muddo ka shan maalmood ah ku xirnaa xabsiga Godka Jilacow, oo ay maamushu hay’adda NISA.

Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow ayaa loo xiray wareysi uu la yeeshay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo isagana la xiray markii uu horudhaca wareysigiisa ka baxay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wadahadal dhaxmaray maamulka ugu sarreeyo Idaacadda Kulmiye iyo saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka lagu guuleystay in la sii daayo weriayaha oo muddo si sharci darro ah u xirnaa.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa in Taliyaha booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan uu gelinkii dambe ee shalay tegay xarunta Idaacadda Kulmiye, waxayna halkaas iska raaceen guddoomiyaha Radio Kulmiye Abwaan Guure.

Taliye Saadaq ayaa kulansiiyey Abwaan Guure iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxayna dood dheer kadib isku raaceen in maamulka Kulmiye ay wareysigii Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo dhameystiran ku wareejiyaan NISA, sidaasna lagu sii daayo Weriyaha.

In Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar uu tago Idaacadda ayaa timid kadib markii ay KNN bareheeda bulshada ku shaacisay mar kale inay baahi doonto wareysiga Ganacsade Xaaji Abuukar ee dartiis Weriyaha loo xiray oo dhameystiran.

Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo in ka badan 20 sano ku jira shaqada Saxaafadda, ayaa Aabe iyo Hooyo u ahaa caruur 8 ah oo ay hooyadood geeriyootay, waxaana habeen saqdi dhexe loogu galay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sanadihii ugu dambeeyay weriyaasha iyo warbaahinta Soomaalida, ayaa aad uga cabanaya caburin iyo caga jugleen ay kala kulmayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee dalka.