Mudug: Gabar walaasheed ka yar u dishay sabab la xiriirta leen dibedda ah

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo maanta ka dhacay degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug.

Dilka oo loo geystay marxuumad Naciimo Cabdullahi Aadan ayaa waxaa fuliyey walaasheed ka weyn oo lagu magacaabo Faadumo Cabdullahi Aadan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Faaduma ayaa la sheegay in walaasheed ka yar Naciimo ay ka soo waday iskuulka, kadibna ay la tegtay meel cidlo ah oo ay markii dambe si arxan darro ah ugu dishay.

Wararka ayaa sheegaya in Faadumo ay dilkaas u adeegsatay Toorey ama Mindi, iyada oo uga dhuftay illaa 10 meel, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Allaha u naxariistee marxuumad Naciimo Cabdullahi Aadan oo iyadaa garaab ah la soo qaaday ayaa markii dambe u geeriyootay dhaawac ahaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Faaduma Cabdullahi ay walaasheed u dishay sabab yaab leh, taas oo lagu sheegay in gabdhaha eedadood oo degan dalka Mareykanka ay qoyska reerka u soo bandhigtay inay u wadeyso mid ka mid ah gabdhaha, balse laga rabo inay mid soo doortaan qofka la wadayo, iyadoona ay qoysku isku raacay in la wado marxuumad Naciimo, taas oo keentay inay ka carooto Faadumo, sidaasina ay ku dishay walaasheed.

Dhacdadan oo si weyn looga hadal hayo degmada Galdogob ayaa wal-wal iyo murugo ku reebtay ehellada reerka iyo dhammaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa dariska la’ah.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayey dhacdooyin murugo iyo mahadho reebay, kuwaas oo ugu ku ah dadka Soomaaliyeed.