Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan siyaasiyiinta, cuqaasha iyo masโuuliyiin kasoo jeeda Hirshabelle ayaa ka horyimid qaabka loo soo xulay xubnaha xildhibaanada maamulkaas.
Siyaasiga Mohamed Yusuf Ahmed oo kamid ah xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka hoose eeย dowladda Federaalka ayaa si cad uga horyimid in habeenย la isaga dhawaaqo xubnaha barlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo uu ku tilmaamay masโuuliyad darro iyo wax aan la aqbali karinoo shaqsiyaad masaalixdooda looga danleeyajay.
โWaxaa aragnaa in dad aan Hirshabelle u daneyneyn ay habeen ay iska qorteen istaafkoodii iyo shaqaalahoodii,โ ayuu yiri siyaasiga Mohamed Yusuf oo intaana ku daray in wixii ka halaabaย Hirshabelle ay qaadi doonaan masโuuliyaddeeda odoyaasha dhaqanka ee loo adeegsaday.
Wuxuu ka digay khatarta in la burburiyo maamulkaas oo ay tahay in odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa, loogana hortagi lahaa qaswadayaasha danaha siyaasadeed un ku fushanaya isqabsiga beelaha dega maamulkaas.