Shariif oo ka hadlay safarkiisa Jowhar iyo arrimo xasaasi ah

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, iyada oo si weyn ugu soo dhaweeyen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan HirShabelle iyo bulshada qeybaheeda kala duwa.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeya safarkoodu uu la xiriiro howl ay muddo soo wadeen, isla markaana ku qotonta tabashooyin ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay muddo badan lasoo daala dhaceysa kala duwanaanta fikirada iyo is-jiid-jiidka, xiligan loo baahan yahay in la is dhageysto oo wax walba si nabad ah lagu dhameeyo.

“Howl aan wadnay muddo oo ku saabsaneyd dad xooga tabasho qabay oo arrimaha doorashooyinka ka qabay oo aan muddoba la wadnay, oo meel fiican soo gaarsiinay ayaa rabna in arrintaas si nabad ah lagu dhameeyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray “dalka Soomaaliya guud ahaanba wuxuu kasoo daalay kala duwanaasho, oo in la is dhageystona waa wax wanaagsan. Markaa waxaan rabna in aan hiigsano dalalka horumarka gaaray oo aanu gaarno”.

Madaxweynihii hore ee dalka marnaba si cad uma kala saarin arrinta ay hanaankeedu tabashada ka taagan inay tahay doorashooyinka maamulka HirShabeelle iyo mida dowladda dhexe ee laga dhawaan laga gaaray heshiiska.

Si-kastaba, Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, iyada oo si dhab ah loo ogeyn sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo iyadu wajaheysay dhibaatooyin adag, xili ay ku jirto marxalad kala guur ah.