Trump oo eryey Xoghayihii Gaashaandhigga kadib markii uu diiday qorshihiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal tweet ah shaqada uga eryey Xoghayihii Gaashaandhigga Mark Esper, isaga oo xasilooni darro kusii abuuray dowladda oo waqtigeeda uu ka harsan yahay wax ka badan laba bil un.

“Mark Esper waa la eryey. Waxaan uga mahad-celinayaa adeeggiisa,” ayuu Trump ku yiri qoraalka twitter-ka, oo sidoo kale uu ku sheegay in Christopher Miller, oo madax ka ah xarunta ka-hortagga argagixisada uu xilkan sii hayn doono.

Trump ayaa eryey Esper kadib markii ay dhowr bilood ka hor isku dhaceen, markaasi oo Esper uu diiday qorshe Trump doonayey inuu ciidamada militariga ugu adeegsado inay kala eryaan dadka dhigayey dibad-baxyada ka dhanka ah booliska ee ka dhashay dilka loo gaysto dadka madow.

Esper ayaa xilligaas qorshaha Trump ku tilmaamay mid sharci-darro ah, maadaama militariga aan loo adeegsan karin inay la dagaalamaan shacabka ay ilaaliyaan.

Hase yeeshee Trump ayaa ka cabsaday markaas in hadduu eryo Esper ay saameyn kartay fursaddiisa dib u doorasho xilli ay soo dhoweyd doorashada madaxweynaha, taasi oo iminka looga adkaaday.

Go’aanka uu Trump qaaday maanta ayaa walaac xooggan ku abuuray saraakiisha Pentagon-ka iyo xulufada Mareykanka, maadaama uu kusoo aaday xilli kala guur ah, oo dowlad cusub la filayo inay la wareegto dalka 20-ka Janaayo 2021.

Trump ayaa weli ku adkeysanaya inaan looga adkaan doorashada madaxweynaha ee uu ku guuleystay Joe Biden, isaga oo ku doodaya qiyaameyn aan jirin in lagu sameeyey.