Abiy Ahmed oo jawaab kasoo saaray warar la xiriira dagaalka gobolka Tigrayga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisu kula jirto maamulka Tigreyga, kaasi oo maalmihii u dambeeyay laga muujinayey walaac xoogan oo Itoobiya lugaha u galin kara dagaal sokeeye.

Abiy ayaa qoraal uu soo saaray maanta waxa uu meesha uga saaray walaaca laga qabo in Itoobiya ay gasho dagaal sokeeye, isagoona arrinkaasi ku tilmaamay mid ‘xaqiiqo aan ku fadhin’.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka gobolka Tigreyga laga leeyahay sidii ay dowladda federaalka cadaalada u horgeyn laheyd qolo uu ku sheegay ‘qas-wadayaal’, isla markaana ay ku soo celinayaan nidaamka sharciga ah si ay dadka nabad ugu noolaadaan.

Waxaa lagu xusay qoraalkaasi in dowladda federaalka Itoobiya ay abaal u heyso saxiibadeeda walaaca ka muujiyey xaalada Itoobiya iyo wel-welkooda ku aadan in dalka Itoobiya uu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

Qoraalka Abiy ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay tahay dal u madax-banaan meel-marinta nidaamka sharciga, isla markaana ay awood u leedahay maareeynta arrimaheeda gudaha.

“Howl-galka ciidanka Itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega waa mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadan, cadaaladana ay u wajahaan qas-wadayaasha” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in dhawaan uu soo afmeeri doono howl-galka ay dowladda federaalka ka bilowday gobolka Tigreyga, xili madaxweynaha maamulkaasi uu maanta ku baaqay xabad joojin iyo in wada-hadal laga galo xiisada labada dhinac ee isku rogtay dagaalka.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa weli kusii adkeysaneysa in dagaalka ay ku qaaday Tigreyga uu yahay mid loo baahna, maadama ay ku doodeyso inay dib ugu soo celinayso kala dambeynta  iyo meel marinta nidaamka sharciga.