Ammaanka Jowhar oo la adkeeyey iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar oo ay beri Arbaco ah ka dhaceyso doorashada madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa lagu soo warramayaa in lagu daadiyey waddooyinka magaalada, kuwaas oo baaraya gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ka wada xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maraya heer gaba-gabo ah, iyada oo haatan ay socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Illaa afar musharrax ayaa isku soo taagay xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah:-

1-Masharrax Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore oo haatan u taagan xilka madaxweynaha

2-Musharrax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo isna u sharraxan xilka madaxweynaga HirShabelle.

3-Musharrax Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo u tartamayo xilka madaxweyne kuxigeenka HirShabelle.

4-Musharrax Maxamed Maxamuud Cabdulle oo isna u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka HirShabelle.

Si kastaba xilka madaxweynaha ee 4 sano ee soo socota ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo Cali Guudlaawe, halka ku xigeenkiisa loo badinayo Yuusuf Dabageed oo horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.