26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Xog: Ciidan badan oo soo galay magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa magaalada Muqdisho soo galay boqolaal askari, kuwaas oo ka yimid degaano ku yaalla gobalka Shabeellada Dhexe iyo xaafado ka mid ah Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan ay habeenadii la soo dhaafay soo galayeen Muqdisho waxayna dagaan ilaa 3 fariisin oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.

Maleeshiyada soo galay Muqdisho oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus iyo mid fududba ilaa haddana lama oga cidda ay sida rasmiga ah uga amar qaataan.

Qaar ka mid ah ciidanka oo illaa tobaneeyo gaaraya ayaa Talaadadii lagu arkay dibad-baxyadii ka dhacay Muqdisho ee dowladda looga soo horjeeday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku yimaadeen dalab dhanka mucaaradka ah, islamarkaana la sheegay in ay lagu ilaalin doono dhaq dhaqaaqyo ay maalmahaan Muqdisho ka billaabi doonaan Mucaaradka, kuwaas oo sheegay in ay u cabsadeen ammaankooda.

Mucaaradka ayaa horey Jeneral Indha-Cadde iyo Jeneral Koronto ugu magacaabay inay sugaan amnigooda, mana cadda haddii ciidankan ay qeyb ka yihiin arrintaas.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato in ay lugaha sii galeyso colaad iyo isku dhacyo, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay intaan ka sii adkaato, haddii aan xal deg deg ah laga gaarin qabashada doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News