Xasan Sheekh oo sheegay tallaabo ay qaaday dowladda Kenya oo uu diidan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay marti ku ahaa madal loogu magac-daray Doodsan oo su’aalo lagu weydiiyey ayaa ka hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabada ay qaaday Kenya ee ku wajahan Somaliland, balse dowladda Soomaaliya ay ku qaldaneed inay xiriirka u jarto dowladda Kenya, oo uu sheegay inay deris muhiim ah u tahay Soomaaliya.

“Waxaa inaan fahano u baahan anagu ma aanaa dooran inaan deris la noqono Kenya, iyaguna ma dooran inay nala dersaan, balse maanta laba arrin ayaa noo furan anaga iyo Kenya, inaan cadaawad iyo lugooyo iskula noolaano oo taasi siyaasad noo ahaato iyo inaan kuwada noolaano nabad, deris wanaag iyo iskaashi, taas dambe ayaana door bidayaa anigu,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kenya iyo anaga dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayaa isku xiran, hal milyan oo qof dad Soomaaliyeed oo ka badan ayaa magan-geliyo u jooga, kumanaan kale oo Soomaali ahna ganacsi ayey u joogaan magaalo kasta oo dalka Kenya ka tirsan, marka anagoo sidaas ugu dhex nool, waxaan cilaaqaad fiican aheyn nagama mudna Kenya.”

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha Kenya ay mar burburiyeen dadkii Soomaaliyeed ee dalka ka cararay markii ay colaaduhu ka qarxeen, balse aysan jirin wax saameyn leh oo ay Kenya noo geysatay markii la fiiriyo taan u geysanay.

“Nolol iyo shacab wanaagsan ayaa naga jira, xigmad tilmaameysa in cilaaqaadka anaga iyo Kenya uu xumaado ma jirto, waxyaabo badan waa ku kala ra’yi duwanaa karnaa, tusaale anigu kuma raacsani Kenya sida ay u wajahday arrinta Somaliland, lamana qabo, ilamana qumana, laakiin taas meeshii adduunyadu ku dhamaaneysay maaha, wax kasii weyn oo iyagu ay dhibsanayeen ayaa na dhex maray, cilaaqaadkeenuna ma go’in,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku sii daray, “Kenya waxay ku dacwootaa hadii Soomaaliya ay nooga guuleysato dacwadda badda, khatar ayaan ku jirnaa, iyagoo dareenkaas qaba, hadana dadka Kenyaatiga ah cilaaqaadka nooma jarin ee diblomaasiyadda inay nagula macaamilaan ayey go’aan ku gaareen.”