Abshir Kaaraan oo wacad ku maray jawaab ka dhan ah Korneelkii soo weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa galabta weerar culus ku qaaday xarunta maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo halkaas ku dilay seddax askari oo ka tirsanaa booliska Soomaaliya, isla markaana qaatay qoryahoodii, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday degmadiisa ay ka dambeeyeen saraakiishii dhawaan uu dagaalku ku dhex maray gudaha degmadaas oo hadda is baheystay.

“Waxaa nagu dhacday dhibaato ay ku tala galeen rag la yaqaano oo saraakiil ah… dhacdadaas illaa seddax askari oo ilaalada degmada ka mid ahaa ayaa nooga dhimatay, waxaana falkaas ka dambeeyey saraakiishii maalin dhaweed ku dagaalantay degmada Kaaraan,” ayuu yiri Guddoomiye Abshir Kaaraan.

Waxa uu sheegay in raggaas ay la xisaabtami doonaan warbixintoodana ay madaxda ka sareysa u gudbiyeen, isagoo tilmaamay in ciidamadii soo weeraray ay aad u hubeysnaayeen oo ay wateen gaadiid dagaal, balse uusan garaneyn sababta ay u soo weerareen degmada.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in weerarka ka hor uu fashilmay kulan la sheegay in saraakiisha qaar ay la yeelan rabeen guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan.

Ciidanka Militeriga ah ee weerarka fuliyay waxaa la sheegay inay ka amar qaataan Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, oo 20-kii bishaan gurigiisa ay weerareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo doonayey inay soo qabtaan.

Korneel Masdile ayaa lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa dagaalkii maalmo ka hor ciidamo kawada tirsan militeriga ku dhex maray degamada Kaaraan, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10-qof, balse mar uu la hadlay warbaahinta waxuu iska fogeeyey eedeyntaas.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa laba habeen ka hor u dhacay  guriga G/Sare Maxamuud Maxamed Nuur Masdile oo ku yaalla degmada Kaaraan, waxayna halkaas ka soo xireen askar ku sugneyd guriga iyo qaar ka mid ah dhalinyaradii ku nooleyd guriga salkaalka,

Sidoo kale mar la wareystay qaar ka mid ah dadkii habeenkaas ku sugnaa guriga Korneyl Masdile waxay sheegeen in loola dhaqmay si aan habooneyn oo loo geystay jir-dil, dhac iyo burburin iyo xarig.

Intaas Korneyl Masdile oo si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ayaa yiri, “Duulaan argagixiso ayuu ahaa, waayo aniga taliskayga looma sheegin, cid ii wacday oo aan ka diiday ma leh, waaran lama wadin, sidaas darteed wixii ka dhasha dowladda ayaa ka masuul ah. Waan ka filayay weerar, balse ma moodeyn inuu sidaan u dhacayo, waxaana ii muuqata in dad gaar ah la beegsanayo iyo in dalka u baahan yahay xoreyn, waana xoreyn doonnaa”.

Hoos ka dhageyso Abshir Kaaraan