Galmudug oo arrin xasaasi ah u xirtay mas’uul sare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay guddoomiyaha deegaanka Ceel-dheere, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Raage (Xaduur), kadib markii uu geystay weerar ka dhan ah Taliyaha ilaalada koontaroolada, Dhame Cabdi Yare.

Ciidamada booliska maamulkaas ee ka howl-gala magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay guddoomiyaha kasoo qabteen deegaanka uu maamulo ee Ceel-dheere oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Guddoomiye Xaduur ayaa lasoo warinayaa in loo haysto inuu u gacan qaadey oo uu weerarey Taliyaha Ilaalada Koontaroolada, Dhamme Cabdi Yare.

Xiisada labada mas’uul ayaa salka ku haysa sida la sheegayo kadib markii xilka laga qaadey Maxamed Axmed maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee Booliiska Ceel-dheere, iyadoo xilkaas loo magacaabey Faarax Geele Xiireey oo xilka kala wareegay mas’uulkii hore.

Majiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo laamaha amniga oo ku aadan xariga ay saaka ciidamada boolisku kula kaceen guddoomiye Xaduur iyo khilaafka labada mas’uul ee midkood uu sababay xarigiisa.