BAABUUR ay la socdeen siyaasiyiin caan ah oo MUQDISHO lagu qarxiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiiyiin caan ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka sarta Beexaani ee degmada Shibis, iyada oo warar kala duwan laga helayo khasaaraha ka dhashay miinadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiyiinta Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba ah xildhibaano hore.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasiyiinta qaraxa lala beegsaday ay dhaawacyo soo gaareen, sidoo kalena ay geeriyoodeen 3 askari oo ilaalo u aheyd.

Sida xogta ku helnay waxaa labada mas’uul daran oo  uu dhaawac halis ah soo gaaray Xuseen Caraale iyadoo sidoo kale qaraxan uu ka bad-baaday Imaam Maxamed Yuusuf.

Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laaamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Muqdisho waxaa beryihii dambe ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah, kuwaas oo lala bartilmaameedsado xubnaha mas’uuliyiinta ah ee ku sugan gudaha caasimada.