Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada Raage-Ceelle oo dib loo qabsaday

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay dib ula waregeen gacan ku heynta degmada Raage-Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay saaka weerar ku qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dagaalyahanada Al-Shabaab oo muddo kooban ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa dadka & ganacsiga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay haatan howl-gallo ka wadaan duleedka degmada Raage-Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.

Raage-Ceelle ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay ka caaganeyd weerarada Al-Shabaab, waxaana gacanta ku hayey ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM.

Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ay culeys xoogan saartay gobolka Shabeelaha Dhexe.