Xog: Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii madaxda maamullada ee doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa wada-hadallo ay habeen hore Khadka taleefonka ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madax goboleedyada ay isu soo dhowaansho ka sameeyeen aragtiyadii kala foggaa ee ay ka qabeen doorashada Soomaaliya, iskuna afgarteen inay shir fool ka fool ah isugu yimaadaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la filayo inuu shirkaas dhaco dhammaadka bishan Janaayo, waxaana ay u badan tahay in shirka uu ka dhaco magaalada Baydhaba, inkastoo aan weli si rasmi ah la isugu raacin goobta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intii laba toddobaad ka hor ku sugnaa Muqdisho, wuxuu mucaaradka kasoo qaaday ballan ah inuu xal u helayo muranka doorashada, waxaana lagu warramayaa inuu sababtaas darteed u doonayo iinuu wada-hadallada marti-geliyo.

Wada hadalladii habeen hore khadka Taleefanka ku dhex maray Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa sidoo kale soo qaban qaabiyay Madaxweyne Lafta Gareen oo muddooyinkan waday dadaallada xalka loogu raadinayo is-mari waaga ka taagan Arrimaha doorashada, kaddib wada hadallo uu si kala gaar gaar ula yeeshay Madaxda dowlad goboleedyada kale.

Wada-hadallada madax goboleedyada ayaa waxaa dhinac socda dadaal xoog leh iyo u kala dab qaadis ay wadaan xubnaha Beesha Caalamka, kaasoo uu horsed u yahay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, si xal loogu helo caqabadaha ka taagan doorashooyinka.