DF oo shaacisay inuu fashilmay qorshe ay Kenya ka damacsaneyd Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu fashilmay qorshe iyo isku day ay dowladda Kenya ku dooneyso inay ku maamusho qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya ay xalay weerar qaawan kusoo qaadeen degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, balse ay si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyuo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay cambaaraynayso isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. 

“Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraal goor hore oo maanta ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayey ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”