Xog: Maamul goboleedyada iyo DF oo u hogaansamay cadaadiska B/CAALAMKA

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog ah heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in dowladda federaalka Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ay isku raaceen in 1-da bisha Febraayo ee sanadkaan shir isugu yimaadaan, kadib cadaadis xooggan oo beesha caalmka ay saartay dhinacyada Soomaalida.

Shirkaas ayey u badan tahay in lagu qabto magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, inkasta oo weli aan taas si rasmi ah la  isugu raacin.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in shirkaan diirada lagu saari doono arrimaha doorashada Soomaaliya iyo xal u helida qodobada muranka ka taagan yahay ee doorashada dalka.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamayo in aan ilaa hadda heshiis la gaarin doorashada, islamarkaana wali ay jiraan caqabado ku hor gudbin waan waanta ay wadaan xubnaha beesha caalamka.

Shirkan ayaa imanaya ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu booqasho ku tegay caasimadaha maamul goboleedyada, si uu madax goboleedyada ugu cadaadiyo inay heshiis ka gaaraan doorashada.

Sidoo kale, Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

Lama oga sida ay ku dameyn doonto doorashada Soomaaliya iyo xaaladda guud ee dalka oo aan xiligaan ka jirin daganaan leesku haleen karo.