Ciidamo militari ah oo lagu laayay duleedka Balcad

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaray gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in duleedka degmada Balcad lagu dilay ciidamo millateri ah oo marayay halkaas.

Wararka hordhac ah ee aan ka helayno weerarkaasi ayaa sheegaya in ciidamada millaterigu ay ku socdaalayeen duleedka Balcad, iyaga oo watay baabuur, waxaana lagu soo waramayaa in laga dilay ugu yaraan toban ka tirsan ciidankaas.

Weerarkan oo gaadmo ahaa ayaa waxaa sidoo kale lagu gubay baabuur la sheegay inuu usoo gurmaday ciidamada millateriga oo xiligaasi la kulmay weerarka ay uga dhinteen toban kamid ah.

Ilaa hadda majirto faah-faahin rasmi ah oo kasoo baxeysa weerarkaas lagu qaaday qaar kamid ah ciidamada millateriga. Mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaas.

Weerarkan noocan oo kale ah ayaa inta badan waxa fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab, oo iyagu dagaal adag kula jira ciidamada dowladda, inkasta oo ay ilaa hadda jirin sheegasho dhankooda ah.

Wixii kasoo kordha weerarkan isha ku hay Caasimada Online.