Kenya oo jawaab ka bixisay warbixintii guddiga IGAD uu kasoo saaray khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay warbixin ay soo saareen guddiga xaqiiqda raadinta ee ururka goboleedka IGAD uu u diray xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddigaas, oo xuduudda labada dal booqday intii u hdaxeysay 9-kii iyo 13-kii Janaayo, ayaa sheegay inay wax caddeymo ah u waayeen inta badan eedihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya, waxayna yiraahdeen “Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in guddiga la siiyey, intii lagu guda jiray howlgalka xaqiiqo raadinta, caddeymo aan dood laga keeni karin “oo Kenya ka bari yeelaya dhammaan eedaha loo jeediyey.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin “kuwa aan sal laheyn”.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.

“Waxaa taas kasii muhiimsan in hadda ay caddahay in xasaradaha ay abuurtay Soomaaliya aysan horumarineyn aragtida IGAD ee ah ku guuleysashada nabadda, baraaraha iyo is-dhexgalka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

“Warbixintan waa warbixin dhex-dhexaad ah oo soo afjareysa arrintan. Kenya lugaha looma gelin doono olole mas’uuliyad darro ah, oo ujeedkiisa guud uu yahay in guul siyaasadeed oo gudaha ah lagu gaaro.