Sawirro: Britain oo wasiir sare usoo dirtay Muqdisho – Muxuu kala hadlay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalak Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada UK, Ben Wallace oo booqasho ku yimid dalka.

Kulankaan oo uu qeyb ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender ayaa waxa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaalanka argagixisada, oo faro ba’an ku haya Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka difaaca Boqortooyada UK qorsheyaasha hirgalay ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Difaaca Boqortooyada UK ayaa isagna dhankiisa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo kulankaasi ka qeyb-galay ayaa ugu dambeyntiina ka warbixiyey kulankaas, wuxuuna sheegay in la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Xaaji.

Waxa uu intaas kusii daray “Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”