Madaxweyna Lafta-Gareen oo dalka kusoo laabtay, direyna hanjabaad culus

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaas, kadib safar uu ugu maqnaa maalmihii u dambeeyay dalka Turkiga.

Lafta-Gareen ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo howl-galadii u dambeeyay ee qaadeen ciidamada Koonfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona hanjabaad hawada u mariyay dagaalamayaasha kooxdaasi, oo uu sheegay inuu maamulkiisu u diyaarsan yahay la dagaalanka ururka Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaq xoogan ka waday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu u hambaleeyay howl-galadii ay sida wada-jirka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed uga fuliyeen deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, oo la sheegay in 7 dagaalame oo kooxda Al-Shabaab lagu dilay.

Deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkaas, iyada oo mararka qaar ay ka fuliyaan weeraro ka dhan ah amaanka.

Maamulka Koonfur Galbeed ee hogaamiyo Lafta-Gareen ayaa muddooyinkii dambe bilaabay dar-dar gelinta dagaalka Al-Shabaab, iyada oo ay xusid mudan tahay in uu dhawaan tagay magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool  oo xaalad adag oo go’doomin ah ay ka jirtay.