Xog cusub oo laga helayo baaritaanka lagu hayo dilka guddoomiyihii D/Hodan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya islamarkaana ku dhow xarunta dambi baatista ee CID, ayaa Caasimada Online sheegay in warar hordhac ah laga helay baaritaanka dalkii guddoomiyaha degmada Hodan. 

Saraakiisha booliska ee xiran iyo ciidanka booliska ee falkaas loo qabtay ayaa sheegay in gaariga ay ku qaldameen islamarkaana ay raadinayeen gaari qaad wada. 

Saraakiisha iyo ciidanka xiran oo mid mid loo wareestay ayaa qirtay dilka iyo bixinta amarka balse ay waxey sheegeen laba qodob oo kala ah. 

1- In ay qabeen amar ah in la soo qabto gaari qaad wado oo Muqdisho ku jiro, kaas oo baadi goob lagu hayey. 

2- Iyo markii la istaajiyay gaariga guddoomiyaha ay rasaas rideen ciidankii la socday, inkaatoo qodobkaan dood adag wali ka taagan tahay, islamarkaana aan loo hayn wax caddeyn ah.

Baaritaanka kiiskaan ayaa aad u adag waxaana ku soo jeeda indhaha dowladda oo dhan iyo xubno siyaasiin ah oo ku beel ah marxuumka ah, kuwaas oo raba in xukunka si cadaalad ah u dhaco. 

Dilka guddoomiyaha degmada Hodan ayaa bar madow ku reebay gudaha hay’adaha dowlada, waxaana kordhay cabsida ay qabaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Baaritaanka kiiska ayaa weli socda, waxaana la filayaa in dhowaan laga soo saaro warbixin rasmi ah.