Bulshada rayidka ah oo soo saaray qodobo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan shirkii lagula kacay ee beryahan ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Ururada bulshada rayidka ah ayaa marka hore walaac xoogan ka muujiyey fashilka ku yimid shirkaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la tix-geliyo xaaladda adag ee lagu jiro, islamarkaana la bad-baadiyo dalka iyo dowladnimada.

Isu taga bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in uusan uga sii darin xaaladda dalka, islamarkaana uusan qaadan go’aan hal dhinac ah.

Bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale afar qodob u soo jeediyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kuwaas oo kala ah:-

1-In madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay muujiyaan mas’uuliyad, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan muranka ka taagan doorashada.

2-In xildhibaanada labada aqal aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin sii kala fogeynaya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

3-In hoggaamiyeyaasha bulshada kala duwan ay meel uga soo wada jeestaan, sidii heshiis dhab ah loogu gaari lahaa shirka Dhuusamareeb 4.

4-In guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya aysan guddoomin go’aan hal dhina ah.

Halkan hoose ka aqriso:-