Sawirro: DF oo ciidamo hor leh ka dejisay Beled-Xaawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo geysay Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo qeyb ka ahaa ciidamo ay dhawaan ka dejisay gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay degmada Beled-Xaawo, kadib markii ay ka ambabaxeen degmada Doolow ee Gedo, halkaasi oo ay diyaarad uga dejisay dowladda federaalka Soomaaliya

Ciidamadaan oo badankooda ka tirsan NISA ayaa waxaa dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen siyaasiyiinta iyo madaxda kasoo horjeeda dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Waxaa degmada Beled-Xaawo ciidamadaan si weyn ugu soo dhaweeyay qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada Degmadaas, ayada oo ay ku wehlinayeen ciidamadaan Taliyaha Howl-galinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda, Bakaal Kooke oo ay wehlinayeen Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, Cabdiqadir Cumar Biixi iyo Saraakiil kale.

Ciidamadaan ay dowladda ku daabushay gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn uga horyimid maamulka Jubbaland oo ay dowladda waqtigeeda ka dhamaaday isku hayaan gobolkaas, oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashada.

Maamulka Jubbaland ayaa ku hanjabay in cawaaqib xumada ka dhalata ciidamada lagu daabulayo gobolkaas uu dusha u ridan doono madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.