Ciidamo militari ah oo kasoo horjeestay mudo kororsiga oo Muqdisho soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda federaalka oo ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa soo galay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga labada sano ee uu sameystay madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku dhow boqol ayaa qaarkood gudaha usoo galay magaalada, gaar ahaan degmada Kaaraan, kuwo kalena waa ay kusoo wajahan yihiin, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wadooyinka qaar ee magaalada la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xiray qaar dhowr isgoys.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweyne Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaasi, waxaana Jeneral Odawaa uu gaaray deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin isaga oo kula kulmay Col. Saneey Cabdulle oo hoggaaminaya ciidamadaasi, hase yeeshee kulankooda ayaa noqday mid aan waxba kasoo bixin.

Col. Saneey Cabdulle, ayaa sida aan xogta ku helnay, u sheegay Jeneral Odawaa in ay ciidamada kasoo horjeedaan mudo kororsi islamarkaana ay maanta mowqifkooda warbaahinta u caddeyn doonaan, ayaga oo qabanaya shir jaraa’id.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa amray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe inuu arrintaan wax ka qabto, maadaama taliyeyaasha ciidamadan ay isku heyb yihiin hase ahaatee Cali Guudlaawe oo la xiriiray saraakiisha ciidamada ayaa ku guuldareystay dalabka Farmaajo in la fuliyo.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo saan saan aan wanaagsaneyn, ayada oo dowladda ay isku dayeyso inay xakameyso ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga oo sii kordhaya.

Dowladda ayaa horey waxay ula tacaali weysay taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon, oo ciidamo badan ku haysta xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, kadib markii isna uu diiday muddo kororsiga.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada magaalada Muqdisho wararkeena danbe ayaan idinkula wadaagi doonnaa, Insha Allah.