Sawirro: Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Uganda

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Kampala, wuxuuna qeyb ka yahay madaxda lagu marti-qaaday Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay caasimada Kampala ee dalka Uganda waxa uu kulamo duceedyo la qaadan doona madaxda ka qeyb-galeysa caleema-saarka, sida uu sheegay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Kampala waxa uu madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday kulamo la qaadan doona jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda iyo ardeyda wax ka barata dalkaas.

Madaxweynaha ayaa waxa safarkaan ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Si kastaba, madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.