Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Raโiisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray in xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista.
Kooxda farsamada ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 24 Juun si rasmi ah loo bilaabi doono tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.
Tababarka guddiyada ayaa wuxuu socon doonaa muddo todobaad ah, kadibna waxay iska dooran doonaan guddoon sida uu sheegay Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Raโiisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka ay guddiyada doortaan guddoon ay u safri doonaan deegaanada Maamul Goboleedyada dalka si ay doorashada u dhacdo waqtiga loo qorsheeyey.
Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Raโiisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banaan oo sharci ahaan soo saari lahaa xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana baari doono sida ay u shaqeyn lahaayeen.
Dhanka kale, Guddigii Raโiisal Wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay.
Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Raโiisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabayย maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed.
Xukuumadda uu hoggaaminayo Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda Magaalada muqdisho & Gobolada dalka ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha.