Sheekh Shariif oo billaabay qorshe uu Cali Guudlaawe ku geynayo magaalada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna murashax Madaxweyne ee sanadkaan 2021-ka ayaa billaabay in uu xal u raadiyo tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah shacabka gobalka Hiiraan, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aad looga qiimeeyo Soomaaliya, gaar ahaan degaanada HirShabeelle, ayaa billaabay in uu la kulmo siyaasiinta iyo odayaasha qaar ee beesha Xawaadle, isagoo kala hadlay tabashooyinka ay qabaan.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday in uu ergo ka noqdo, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu ku tagi lahaa Beladweyne.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Sheekh Shariif dadkii uu la kulmay ee beesha Xawaadle rajo wanaagsan geliyeen, iyagoo u sheegay in aysan ka hor imaan doonin wixii uu u keeno.

“Markii ay u sheegeen tabashada Xawaadle waxay u ballan qaadeen in wixii uu keeno oo xal ah aysan ka hor imaan doonin kuna kalsoonyihiin balse waxay is dul-taageen heerka tabashada ay qabaan oo ah mid culus,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda beesha Xawaadle oo la hadlay Caasimada Online.

Lama oga in qorshaha xal u raadinta tabashada beesha Xawaadle ee uu wado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ka soo hormari doonto doorashada Soomaaliya iyo in ay kadib mari doonto, hase yeeshee wararka ugu badan waxay sheegayaan in laga soo hormarin doono doorashada Soomaaliya.

Heshiiska doorashada ayaa waxa uu dhigayaa in xildhibaanada ka imanaya HirShabeelle lagu kala doorto Beledweyne iyo Jowhar, waxaana Guudlaawe u uku qasban yahay inuu helo xal kahor, xilli dagaal loogu hanjabay ciddii isku daydaa inay doorasho ku qabato Beledweyne.