Senatoradii ugu badnaa oo waayey kuraastoodii Aqalka Sare kadib liiskii Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ugu dambeyn xalay shaaciyey liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee u tartamaya kuraasta taal magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kadib shaacinta liiskan ayaa waxaa kuraastoodii waayey illaa 9 musharrax oo ka mid ah xildhibaanadii horey Aqal Sare ugu metalayey dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo aan ka soo muuqan liiska 22-ka musharrax ee u tartami doono 11-ka kursi ee taalla Puntland.

Xubnaha waayey kuraastooda ee liiska laga reebay ayaa kala ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali (Sharmaarke), Shukri Aadan Maxamed, Maxamed Daahir Sheekh Nuur, Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere, Hodan Maxamuud Cismaan, Cabdirisaaq Xasan Cismaan Jurile, Saciido Xasan Cismaan & Maxamuud Axmed Mashruuc.

Sidoo kale waxaa liiska kasoo muuqday siyaasiyiin haatan xilal ka haya Puntland, waxaana ka mid ah wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), wasiirka dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo guddoomiyaha Bari Cabdisamed Abwaan.

Dhinaca kale waxaa kuraastoodii markale dib u difaacanaya oo liiska ka soo muuqday madaxweynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole iyo Farxaan Cali Xuseen oo horey uga tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee uu haatan muddo xileedkiisu dhammaaday.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa laga sugayaa inuu ku dhowaaqo xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare, si loo soo xulo Senatorada maamulkaasi.

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u qabtay doorashada Aqalka Sare, waxaana Senatoradii ugu horreeyey lagu soo dooratay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.