R/W ROOBLE oo amar culus siiyey saraakiisha amniga, ka hor safarkiisa dalka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah garoonka Aadan Cadde kula qaatay saraakiisha laamaha ammaanka, xilli uu kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha Booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ku xiigeenkiisa Jenaraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Qaroole , taliyaha qeybta Booliska Garoonka Aadan-Cadde iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska.

Rooble ayaa amar culus siiyey saraakiishan, wuxuuna faray xoojinta amniga guud ee dadlka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa taliyeyaasha uu la kulmay kula dar-daarmay in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Dhankooda saraakiisha kulanka ku sugnaa oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay laba jibaari doonaan waajibaadka saaran ee amniga, ayna dardargelinayaan howl-gallada lagu sugayo amniga caasimada, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga qaranka.

Kulankan wuxuu kusoo aadaya, xilii haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay xarunta Villa Soomaaliya, isla-markaana ra’iisul wasaaraha uu kusii jeedo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo kulan kula leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan yeelatay weji cusub, waxaana dhinaca mucaaradka ay dhankooda taageero u muujinayaan ra’iisul wasaaraha dalka.