Safarka R/W Rooble ee dalka Kenya oo arrin kale banaanka keenay – maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caaasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, isaga oo lagu sii sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa daaran wada-hadallo ku saabsan hagaajinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xumaaday bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale Rooble ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isagu u fidiyey casuumadda booqashada uga bilaabatay magaalada Nairobi.

Dhinaca kale safarkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa bannaanka keenay arrin qarsooneed oo ku aadan dhinaca duulimaadka, gaar ahaan safarada madaxda dalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalkaSoomaaliya ay buuxisay shuruucdii duulista hawada sidaa awgeedna uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble duulimaadkiisu yahay SOM-001, taas oo ka dhigan in xittaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aduunka marka la’eego duulimaadyada madaxweynayaasha ay qaataan 001, ra’iisul wasaareyaashana ay qaataan lambarka 002, balse duulimaadka maanta ra’iisul wasaaraha ee lambarkiisu yahay 001, ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhexeeya isaga iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Duulista Hawada sharciyan madaxweynayaasha adduunka waxa ay qaataan duulimaadyada 001, Ra’iisul Wasaarayaashana 002. Soddan sano kadib, waxa DF Soomaaliya ay buuxisay Shuruucdii duulista hawada sidaa awgeed maanta Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu duulimaadkiisu yahay SOM-001 taas ah ka dhigan in xitaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah in ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda federaalka  Soomaaliya.

Si kastaba Villa Soomaaliya ayaa gashay marxalad cusub, kadib markii uu khilaaf dhinac awooda iyo maamulka uu soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.