Xog: Muxuu Saciid Deni liiska musharaxiinta Aqalka Sare uga reebay Sen. Mashruuc?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka reebay Senator Maxamuud Mashruuc, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Aqalka Saree e Soomaaliya.

Mashruuc, oo kasoo jeeda gobolka Bari, ayaa ka mid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee sida weyn u mucaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu ka tirsanaa Aqalka, waxayna isku qabteen arrimo badan oo ay ugu weyn tahay difaaca danta Puntland, taasi oo ay ka sinnaayeen Deni.

Mashruuc ayaa caan ku ahaa mowqifyadiisa difaaca doodaha siyaasadda Puntland sida; sharciga shidaalka iyo khilaafkii arrimihi waxbarashada, oo uu dagaal xooggan u galay markii ardayda Puntland loo diiday shahaadada dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hase yeeshee, Deni iyo Mashruuc ayaa siyaasad ahaan ku kala aragti duwanaa siyaasdaha gudaha Puntland, sida mashruucii qandaraaska PDG, oo Deni uu meesha ka saaray kuna wareejiyay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ka sokow siyaasadaha federaalka iyo kuwa Puntland, Mashruuc iyo madaxweyne Deni ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow, wuxuuna Mashruuc wax ka dheliyey guushii Saciid Deni ee 8-dii Janaayo 2019 loogu doortay madaxweynaha maamulka Puntland.

Dad badan oo siyaasadda Puntland aad ula socda ayaa sheegay in Deni uusan aheyn nin ku wanaagsan abaal-gudka, oo aysan la yaab laheyn inuu ka tegay Mashruuc.

Dhinaca kale, Ilo xog-ogaal ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Mashruuc uu uu muddo ku mashquulsanaa u diyaar garowga inuu isku sharraxo Golaha Shacabka, waxaana suurta-gal ah inuu dareemay in Deni uu liiska ka reebi doono.

Mashruuc ayaa qoraal uu soo saaray maanta ugu hambalyeeyey xubno liiska lagu soo daray.

Waxaan u hambalyeynayaa Puntland oo maantay shaacisay dhammaan xubnaha liiska tartamayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, taasoo ka dhigan dar dar gelinta geeddi socodka doorashada. Hambalyo dhammaan liiska tartamyaasha Aqalka Sare ku matali doona Puntland Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Sharaf ayay ii ahayd inaan u soo adeegay danta qaranka Soomaaliyeed iyo danaha gaarka ah ee PUNTLAND afartii sano ee la soo dhaafay. Kuraasto waa meerto,” ayuu yiri.

Lama oga in xukuumadda Saciid Deni dagaal hor leh ay kala geli doonto in Mashruuc ay ka hor-istaago in loo soo doorto Golaha Shacabka iyo in kale, inkasta oo awooddaas badankeed ay gacanta ugu jirto qabaa’ilka.

Dhanka kale, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Farxaan kaliya ayaa noqday labada Senator ee kaliya ee 11-kii xubnood ee Puntland uga mid ahaa Aqalka Sare ee dib loogu soo daro liiska.