Loolanka Xaaf iyo Qeybdiid: Arrinta laga cabsida qabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo kamid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa kal hore ku dhowaaqay liiska lix kamid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Kursi kamid ah labadaan kursi ayaa waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.

Haddaba, Maxaa ka dhalan kara haddii midkooda uu kasoo muuqan waayo liiska musharaxiinta?

Cali Baashi Faarax Cali oo ah siyaasi kasoo jeeda Galmudug, horeyna uga tirsanaa maamulkii Ahlu-Sunna ee ka talin jiray maamulkaas, ayaa waxa uu sheegay in kursiga ay ku loomayaan Xaaf iyo Qeybdiid uu yahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in doorashadiisu ku dhacdo hab daah-furan oo nabdoon.

Waxa uu sheegay in cawaaqib xumo daran ay ka dhalan doonto haddii labada musharax ee ku loolamaya kursigaas uu midkood kasoo muuqan waayo liiska laga sugayo madaxweyne Qoor Qoor.

“Waa in kursigaan dhexda la dhigo oo ay u tartamaan dadka loo xulo oo ay sidaas guushu ku raacdo qofkii calafku u yeesha, waana arrin xal wanaagsan ah,” ayuu yiri Cali Baashi Faarax.

Sidoo kale waxa uu ka digay in hanashada kursigaas loo maro waddo khaldan, midaasi oo ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo daran, sida uu sheegay.

Si kastaba, waxaa si weyn loo wada sugaya tallaabada uu qaadi doono Qoor Qoor oo gadaal u dhigtay kursiga ay isku hayaan Xaaf iyo Qeybdiid, iyo sida uu ka yeeli doono xifaaltanka u dhaxeeya labada musharax oo laga cabsi qabo in uu sababo xiisad dagaal.