Israel oo CIA-da u gudbisay arrin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran

Tehran (Caasimada Online) – Israel oo isku dayeysa inay carqaladeyso wada-hadalla u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska Nukliyeerka ayaa madaxa CIA-da Mareykanka u gudbisay warbixin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi.

Israel ayaa CIA Mareykanka u sheegtay in madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu qabo cudur “Khalkhal maskaxda ah,” sidaas darteedna aan lagala hadli karin wax ku saabsan heshiiska nukliyeerka sida ay Maanta qortay Times of Israel.

Israel ayaa shalay martiqaad u sameysay madaxa CIA-da Mareykanka William Burns, waxayna ka wada hadleen arrimaha Iran.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israel ay ku dadaaleyso sidii ay u fashilin lahayd isu soo dhawaansho kasta oo dhex mari kara Washington iyo Tehran.

Walla News ayaa asaguna weriyay in Burns uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett, madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad David Barnea iyo saraakiil kale oo sirdoon ah.

Sidoo kale, Wargeyska Israel Today oo soo xiganayo Channel 12 ayaa qoray in madaxa sirdoonka Mossad David Barnea uu madaxa CIA usoo bandhigay macluumaad muujinaya in Raisi aan la aamini karin, oo uusan awood u lahayn inuu ka gorgortamo heshiis cusub oo nukliyeer ah ama uu ku dhaganaado ballan-qaadyadiisii hore.

Sida uu sheegay Channel 12, Barnea ayaa sidoo kale Burns u gudbiyey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Iran uu yahay mid xagjir ah, naxariis daran, musuq maasuq badan sidoo kalana aan xasilloonayn.

“Mossad waxay ku tilmaamtay madaxweynaha Iran inuu yahay qof maskaxda ka jiran (Dhimirka la’),” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya Channel 12.

Burns, oo ah diblomaasi xirfadle ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran oo horseeday heshiiskii Iran iyo quwadaha waaweyn, ee 2015 la gaaray, balse 2018 uu ka baxay madaxweyne Trump.