Yey yihiin, maxaase ka naqaan lixda Senator ee la doortay?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu doortay Lix Senator oo kamid ah xubnaha maamulkaas ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Haddaba, wax ka ogow taariikhda Senator-da maanta la doortay, kuwaasi oo dhamaantood ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen musharaxiintii kula tartamayey kuraastaas.

1- Saciid Siyaad Shirwac – Saciid oo kasoo jeeda beesha Saleebaan, waxaa uu muddo 20 sano ah ku jiray siyaasadda, qeybna uu ka ahaa shirarka dib u heshiisiinta, hadda xisbi kama tirsana, waana wasiirka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu hore u soo noqday wasiirka maaliyada, wuxuuna ku guuleystay kursigii koowaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, isagoo helay 87 kamid ah codadka xildhibaanada, kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay.

2- Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) – Yuusuf oo kasoo jeeda beesha Duduble, waxaa uu hore uga tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Waayo-arag.

Sidoo kale waxa uu kaalinta hore kaga jiraa siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxa uu ku soo baxay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey.

3- Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer – Dhagdheer oo kasoo jeeda beesha Murusade, waxa uu ahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna xiligaan lagu tiriyaa inuu kamid yahay kooxda Waayo-arag.

Senator Dhagdheer ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxaa uu ka guuleystayna Nuur Xasan Gutaale.

Dhagdheer ayaa waxa uu ku soo baxay 86 cod, waxaa diiday 2, halka uu mid keliya ka aamusay.

4- Zamzam Dahir Maxamuud – Zamzam oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxay hore u aheyd Senator ka tirsan baarlamaanka 10-aad, waxayna ku dhalatay Caabudwaaq 1984-kii.

Waxay waxbarasho ilaa heer jaamacad ku qaadatay Muqdisho, ayada oo Master ku sameysay dalka Maleysia, sidoo kale waxay kaalin hor leh ka ciyaarta arrimaha samafal.

Zamzam ayaa maanta markale noqotay haweeneydii u horeysay ee maamulka ku metelaysa Aqalka Sare, halka ay October 16, 2016-kii ay sidoo kale noqotay gabadhii ugu horeysay ee Senator loo doorto.

Waxay doorashada maanta kasoo hoysay 89 cod, waxayna sidaas ku hanatay kursiga Afaraad ee maamulka Galmudug ee Aqalka Sare. Waa loo tanaasulay.

5- Cabdixakiim Macalin Axmed – Cabdixakiim oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ahaa xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad.

Waxa uu ka baxay Jaamacadda Culuumta iyo Tecnolojiyadda ee Yemen, wuxuuna xiligan xoghaye ka ahaa guddiga maamliyadda ee golaha shacabka iyo madaxa guddiga dhaliyarada ee baarlamaanka Afrika.

Cabdixakiin ka hor siyaasadda, Koonfurta Suudaan waxaa uu jaaliyadda u ahaa xoghayaha guud muddo 10 sano ah, waana ganacsade, wuxuuna maanta kusoo baxay oo uu helay codadka 86 xildhibaan, halka uu ka aamusay mid keli ah.

6- Duniyo Maxamed Cali – Duniya oo kasoo jeeda beesha Dir, waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb 1970-kii, waxayna hadda ka tirsaneyd golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad.

Waxay waxbarasho ilaa dugsi sare ku sameysay magaalada Dhuusamareeb, waxayna muddo lasoo shaqeysay madaxdii kala duwanaa ee Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu tiriyaa inay ka tirsan tahay kooxda Waayo-arag ee madaxweyne Qoor Qoor, waxayna maanta ku guuleystay kursiga lixaad ee maamulkaas ee Aqalka Sare, kadib markii ay u tanaasushay Qadro Abdullahi Isxaaq.