Puntland oo shaacisay ujeed laga leeyahay HABRAACA cusub ee doorashada dalka

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan laga soo saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wwasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ay ka hor imaadeen midowga Musharixiinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in habraacaan uu waafaqsan yahay heshiiskii ay 17-ki September Muqdisho ku saxiixdeen Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaasoo dhigayey in codeynta noqoto qaab dadban.

Dhabancad ayaa sababta loo soo saaray habraacaan ku sheegay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti-duwanaanshihii ka taagneyd doorashada.

“Sababta loo yiri odayaasha soo xulaya Xildhibaanada waa in ay aqoonsan tahay dowladda waxaa lagu ilaalinayaa midnimada beesha kursiga iska leh sababta oo ah waxaan ogeyn khilaafaadka ay sababeen doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016-kii,” ayuu yiri.

Mar wax laga waydiiyey in guddiga doorashooyinka heer dowlad gooleed uu ansixiyo ergada ay soo xulaan odayaasha ayuu Dhabancad ku adkeystay in kooxda farsamada heer maamul ay madax-banaan tahay, sida uu sheegay.

“Wax kasta waxay kasoo ratib-mayaan heshiiskii 17-kii September oo qeexaya awoodaha guddiga. FEIT-ku (kan heer federaal) wuxuu kormeerayaa doorashooyinka, halka SEIT-ku (kan heer dowlad goboleed) ay hubinayaan in geedi-socodka doorashada ay tahay mid sax ah,” ayuu yiri isagoo la hadlay idaacadda Daljir.

Guddiyada khilaafaadka ayuu sheegay inay u xil saaran yihiin sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf kasta oo ka yimaado xulista kuraasta Golaha Shacabka.

“Marka dhamaan cidii hadashay [ee durtey habraaca] waxaan rabaa in aan u sheego in habraacan uu yahay mid fududeynaya in doorashadda noqoto mid xalaal ah, waana mid siinaya odayaasha qabaa’ilka ee iska leh kuraasta Golaha Shacabka in ay ayaga ergadooda la yimaadaan, waa mid siinaya musharaxiinta kuraasta xorriyad, wixii maamul ah waxaa iska leh guddiyada dowlada mas’uuliyadeena waa tan ka saaran dalka,” ayuu ku adkeystay.

Habraaca doorashada ee dhawaan lasoo saaray ayaa waxaa ka hor yimid midowga musharixiinta waxayna si gaar ah u dureyn cidda soo xulaysa ergada, cidda ka ansixineysa, warqada dambi-baarista iyo qarashka.