Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Cabdicasiis Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya?

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay safiirka Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay saacado badan, waxaana sidoo kale goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya ay kulankooda ku soo hadal-qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama ciidamo ka socda Itoobiya ay joogaan maamulkaasi.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweyne Lafta Gareen oo qeyb ka ah mas’uuliyiinta ku howlan qaboojinta xiisadda ka taagan dalka.

Baydhabo ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinka haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba, kulamadan siyaasadeed ee is-daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah dalkana ay ka jirto xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.