GALMUDUG oo shaacisay inuu socdo qorshe ciidan oo ka dhan ah AHLU-SUNNA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaca ka qaaday Galmudug ay qorsheeneyso inay Ahlu Sunna ku qaado howlgal ciidan oo looga saarayo deegaanada ay haysato.

Falagle ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qorshahaas, oo uu ku sheegay inuu yahay mid amni oo aan saxaafadda lala wadaagi karin.

“Arrinta Ahlu-Sunna, deegaanka nidaam ayuu leeyahay, sharci ayaana noo degsan, qorshe ciidan ayaa jira mana sheegayo,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay inay meel wanaagsan marayaan howlaha doorashooyinka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shcabka ee maamulkaas, islamarkaana aysan waxa saameyn ah ku yeelan doonin xiisadda maamulka kala dhaxeysa Ahlu Sunna.

“Howlaha doorashooyinka meel wanaagsan ayey marayaan, Galmudug maamul ayey leedahay, khilaafka kala dhaxeeyo Ahlu Sunna wax saameyn ah kuma lahan doorashooyinka, waxaana rajeenayaa in dhawaan ay xiisadda dhammaato,” ayuu yiri Falagle.

Halka kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli ay Galmudug qorsheeneyso inay weerar ku qaado magaalada Guriceel oo ay dhawaan qabsaday Ahlu Sunna, kadib markii Qoor Qoor uu diiday inuu wada-hadal la galo kooxdan.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa si weyn u adkeeyey gacan ku heyntooda Magaalada Guriceel, waxayna magaalada ka sameysteen dufeyso ciidan, ayada oo maleeshiyo badan ay ku biireen koxoda si ay u xoojiyaan.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa isaga qaxay inta badan dadkii shacabka ahaa ee halkaas daganaa kadib markii ay guul-dareysteen isku day lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo Ahlu Sunna iyo Galmudug.