Xog: Laba caqabad oo mid Rooble uu yahay oo ka hor-timid weerarkii GURICEEL

Guriceel (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxtooyada Galmudug ay toddobaadkii hore amar ku bixisay in la weeraro Xoogaga Ahlu Sunna ee la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaynaan haddana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug gaarin magaaladaasi.

Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeysay laba jiho ka kulaayay Magaalada Guriceel, kuwaa oo aad mooddo inay foodda gelin la’yihiin magaaladaasi.

Ciidamada, kuwii dhinaca waqooyi kaga sii siqaayay Guriceel ayaa ku sugan deegaanka Good-wiil oo qiyaastii 15km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaaladaasi.

Maamulka Galmudug iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan ka hadlin waxa ciidamada ka hor taagan inay gaaraan xaruntii hore ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in howlgalka lagu weerarayo Guriceel ay ka horyimaadeen laba caqabad oo dartood weerar loo qaadi la’yahay.

Caqabadda koowaad ayaa ah in Ciidamada Dowladda ay ku kala qaybsameen weerarka Magaalada Guriceel, iyadoona Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad ay ku jiraan Xoogagii Ahlu Sunna, ee ay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre qarameysay, bishii July ee sanadkii 2019.

Caqabadda labaad ayaa ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka horyimid in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay weeraraan Guriceel, waana sababtaas baa la leeyahay midda ciidamada ka hor taagan inay gudaha u galaan magaaladaasi.

Rooble ayaa lagu warramay inuu doonayo in xal nabadeed laga gaaro xiisadda u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu-Sunna, xalkaas oo ah midka ay sidoo kale ku baaqayaan odayaasha beesha degta Guriceel iyo Dhuusamareeb. 

Xiisadda ka jirta gobolka ayaa dadkii magaalada deganaa ku khasabtay inay guryahooda isaga barakacaan, kuwaa oo xaalado adag ku wajahaya duleedyadeeda, iyadoona ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo labada dhinac, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato.