Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay Cabdishakuur

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku fuliyey Cabdishakuur Muxumed Axmed oo ay ku eedeeyeen inuu fara xumeeyey canug yar, sida ay shaacisay maxkamad hoostagta isla kooxdaasi.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka oo ku yaalla deegaanka Booco ee bariga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray halkaasi, su ay goobjoog uga noqdaan halka lagu toogtay ninkaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay Cabdishakuur Maxamed uu ‘canug yar ku sameeyey falkii Qowmuluud, isla-markaana uu qirtay, sida ay hadalka u dhigtay.

Cabdishakuur ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, isla-markaana ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana si weyn looga yaqiinay halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii deegaaanka Shaw ee dhaca galbeedka gobolka Hiiraan ay Al-Shabaab xukun dil ah ka fulisay, kaas oo lagu ridday haweeney ay ku eedeeyeen inay ka tirsaneyd ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gacanta ku hayso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ka fulisa xukuno u badan dilal toogasho ah, kuwaas oo maalmihii dambe ay kordhisay, waxayna ay ka dhacayeen gobollo kala duwan.